Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay

Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay

Miqdaam Binu Macdi Karib Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qofku Ilaahey darti u jeclaado Walaalkiisa Muslimka ah ha u sheego inuu jecel yahay".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Abuu Daa'uud, Tirmidi, Nisaa'i Sunan kubraa, iyo Ahmed]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey mid ka mida sababaha xoojinaya xiriirka Muuminiinta iyo is jacaylkooda, taasoo ah hadii Qof jeclaado Walaalki ha u sheego inuu jecel yahay.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga ay leedahay maxabada Ilaahay darti u khaaliska ah, ee aysan ku jirin maslaxad Aduun.

Waa Suno in loo sheego kan Ilaahay darti loo jecel yahay, jacaylka loo qabo, si uu u sii korodho jaceylka iyo isku duubnaantu.

Muuminiinta dhexdooda ee lagu faafiyo is jeclaanta waxay xoojisaa Walaalnimada iimaaniga ah waxayna Bulshada ka ilaalisaa inay kala furato oo kala tagto.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan, Aadaabta Hadalka iyo Aamuska