Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee

Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, Qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu markuu u beryo isagoo Ilaahay asturay oranaaya waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas Xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waabariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydeya.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku cad xumaanta ay leedahay macsida oo la muujisto markuu Ilaahay asturay ka dib.

Macsida oo la cadaysto waxaa ku sugan faaxishada oo ku faafta Muminiinta dhexdooda.

Qofka Ilaahay Aduunka ku asturay Aakhirana wuu ku asturayaa, taasina waa naxariista Ilaahay ee balaaran ee uu Adoomadiisa siiyey.

Qofka lagu ibtileeyo macsi waa inuu naftiisa asturo, Ilaahayna u towbo keeno.

Dambi wayn bay leeyihiin kuwa muujista macsida ee u qasda inay macsida cadaystaan, waxay is dhaafinayaan dambi dhaafka Ilaahay.

التصنيفات

Xumaanta Macaasida