Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: Qofkii habeenka laylatul qadarka salaatu layl u istaaga isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga habeenka laylatul qadrigu leeyahay, habeen kaasoo ku jira tobanka u dambeeya Ramadaanka, qofka habeenkaa ku dadaala salaada, ducada, akhrinta Qur'aanka, xuska Ilaahay, isagoo rumaysan habeenkaa iyo fadligiisa, oo ka rajaynaya camalkiisaa in Ilaahay ajar ka siinaayo, ee aan ula jeedin is tustus iyo ha lugu maqlo, waxaa loo dhaafaa dambigiisii hore.

فوائد الحديث

Waa habeenka laylatul qadriga fadligiisa, iyo dadka oo lagu dhiiri galiyo inay salaad u istaagaan.

Camalka suuban lama aqbalo in niyo run ah la jirto maahee.

Ilaahay fadligiisa iyo naxariistiisa qofka habeenka laylatul qadriga u istaaga salaad isagoo rumaysan oo ajar doon ah waa loo dhaafaa dambigiisii hore.

التصنيفات

Qiyaamka Habeenkii, Tobanka danbe ee Rabadaanka