إعدادات العرض
Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo
Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tagalog ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Русский Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip සිංහල دری Svenska አማርኛ Čeština Fulfulde ગુજરાતી Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Nederlands or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ ไทย O‘zbek Yorùbá Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan bm ქართული Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay nagu waajibiyey inaan shay walba u ixsaan falo, Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca. Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo nafta looga goyn karo kan la dilaayo. ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto neefka in la afeeyo midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, oo xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.فوائد الحديث
Waa Ilaahay naxariistiisa casa wajala iyo u dhimrinta khalqiga.
Ixsaanka dilka iyo gawracu waa inuu ahaado siday shareecadu jidaysay.
Waa kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in loo naxariisto xayawaanka oo loo dhimriyo.
Waxaa la reebay in sar-waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta xayawaanku.