إعدادات العرض
yaroow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso
yaroow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso
Waxaa laga wariyey Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiibe wuxuu yiri: "Maalin ayaan Rasuulka scw gadaashiisa fuushanaa,wuxuu igu yiri: " " yaroow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso, ogowna haday ummadda oo dhan isu tagaan si ay wax kuugu taran, kuma tari karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadii dadka oo dhan isu tagaan si ay kuu dhibaan kuguma dhibi karaan, wax uu Ilaahay kuu qoray mooyee, kor ayaa loo qaaday qalimadii warqadihiina way qalaleen ".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili فارسی தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල ไทย دری Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Malagasy тоҷикӣ Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan Tagalog ქართული bm Македонскиالشرح
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga scw la fuushanaa, markaasa Nabigu scw ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoon: Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba. Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista. Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan. Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee. wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee. Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayaan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.فوائد الحديث
Muhimada ay leedahay in la baro kuwa yar yar iyo caruurta arimaha Diinta sida caqiidada iyo aadaabta Islaamka iyo wax yaabo kale.
Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka.
Waxaa la is farayaa in Ilaahay lagu kalsoonaado, oo kaligi la talo saarto oo aan cid kale la talo saaran, isagaa ugu khayr badan mid la talo saarto.
Waa la rumeeyo qadaha iyo qadarka oo lagu raali noqdo qadarka, Ilaahayna isagaa qadaray shay walba.
Qofka dayaca Ilaahay amarkiisa, Ilaahay ayaa isagana dayacaya mana xifdiyo.
التصنيفات
Qadarka iyo Qadaha martabooyinkooda