Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa

Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa

Mucaawiye Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka Ilaahay la doono khayr Diinta ayuu fahamsiiyaa, anigu qaybiye ayaan ahay, Ilaahay ayaa wax bixiya, Ummaddaani ka suulimayso inay xaqa ku taagan tahay mana dhibayso cidii khilaafta ilaa amarka Ilaahay yimaado".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka Ilaahay khayr la doono inuu ku irsaaqo fahamka Diinta, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yahay mid u qaybiya dadka waxa Ilaahay bixiyo ee risiq iyo cilmi iyo wixii kaleba, irsaaqad bixiyaha dhabta ahina waa Ilaahay, wixii Ilaahay ka soo harayna waa asbaab aan waxba tarayn in Ilaahay u idmo maahee, ummaddaanina ka tagimayso inay amarka Ilaahay ku taagan tahay, mana dhibayso cidii khilaataa ilaa Qiyaamuhu dhoco.

فوائد الحديث

Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga weyn ee cimliga Shareecada iyo barashadiisu leeyihiin iyo isku boorintiisa.

Waa lama huraan in xaqa lagu taagnaado oo ummaddan laga dhex helo xaqa, oo hadii Qolo ka tagto Qolo kale ay ku taagnaato.

Diinta in la fahmo waa khayr Ilaahay la doonay Adoonkiisa.

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu wax ku siiyaa amarka iyo doonista Ilaahay, ee isagu waxbana mahaysto.

التصنيفات

Fadliga Cilmiga