(Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen)

(Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen)

Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah haweenkii Nabiga scw inuu Nabigu yiri: (Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen).

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu ka digayaa in loo tago faaliyaha -faaliyuhu waa magac guud oo ay wadaagaan wax sheega, xidigiyaha, faalka ciida, iyo wixii la mida, ee qaybka wax ka sheegiisa u daliishada wax yaabo hor dhac ah oo ay adeeg sadaan, in wax la waydiiyo kaliya ayuu Ilaahay uga xarimayaa qofka ajarka salaada afartan maalmood, waxaana loogu ciqaabay dambigaa wayn ee uu sameeyey awgeed.

فوائد الحديث

Waa xaaraan in faal la dhigo, iyo in la aado faalalow oo la waydiiyo wax qayb ah.

Qofku wuxuu ku waayi karaa ajarka cibaadada isagoo lagu ciqaabayo macsida uu sameeyey.

Waxaa soo galaya xadiiskaan waxa loo yaqaan burjiga iyo fiirintooda, iyo ku akhrinta calaacasha, bakeeriga iyo hadii ay xataa tahay daawsho uun, waayo kuligood waxay soo galayaan faalalowga iyo sheegashada cilmiga qaybka.

Haday tahay taasi ciqaabta qofka faaliyaha u taga, maxaa lagu abaal marin faalalowga?

Afartanka maalmood salaadoodu way ka ansaxaysaa qofka oo lama qalaynaayo laakiin ajar maleh.

التصنيفات

Magacyada iyo Axkaanta