إعدادات العرض
(Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa ilaaha ilaa-llaahu, wallaahu akbar, ayaan ka jeclahay inta qoraxdu u soo baxdo oo dhan
(Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa ilaaha ilaa-llaahu, wallaahu akbar, ayaan ka jeclahay inta qoraxdu u soo baxdo oo dhan
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Inaan iraahdo: subxaana Allaahi, wal-xamdu lillaahi, walaa ilaaha ilaa-llaahu, wallaahu akbar, ayaan ka jeclahay inta qoraxdu u soo baxdo oo dhan.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
العربية Bosanski English فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी বাংলা Español Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Moore Українська Български Tagalog Wolof Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонскиالشرح
Rasuulku scw wuxuu sheegay in dikriga Ilaahay ee ereyadaan waawayn ah ay ka khayr badan yihiin aduunyada iyo waxa dhex yaalla, oo ah: (Subxaana Allaah) Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufan. (Alxamdu lillaahi) Ilaahay Isagaa ku amaanan sifaadkiisa kaamilka ah oo maxabadiisa iyo waynaantiisu la jirto. (Laa ilaaha Ilaa Allaah) ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. (Allaahu akbar) Ilaahay ayaa wax walba ka wayn.فوائد الحديث
Waxaa laysku boorinayaa dikriga Ilaahay, isagaana laga jecel yahay waxay qoraxdu u soo baxdo.
Waxaa laysku boorinayaa in la badsado dikriga Ilaahay, ajarka iyo fadliga ku jira awgeed.
Raaxada aduunyadu waa wax yar macaankeeduna wuu tagayaa.
التصنيفات
Adkaarta guud ahaaneed