Rasuulka Ilaahay scw wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka.

[Sahih/Authentic.] [At-Tirmidhi]

الشرح

Nabigu scw wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada. Ariinkaa waxaa la mid ah waxa lasiiyo gar-soorayaasha si'ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.

فوائد الحديث

Waxaa xaaraan ah, bixinta laaluushka, qaadashadiisa, kan dilaalkiisa, u gar-gaarkiisa, waayo wuxuu soo galayaa isku kaalmaynta baadilka.

Laaluushku waa dambiyada waa wayn, waayo Rasuulka Ilaahay scw wuu lacnaday qofka qaata iyo kan bixiyaba.

Laaluushku marka la joogo gar soorka iyo xukunka waa dulmiga iyo dambiga ugu wayn, waxa ku jira dulmi iyo in lagu xukumo wax uusan Ilaahay soo dajin.