iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo

iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo

Jaabir waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee-: Nin ayaa weydiiyey Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo wuxuu yiri: iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo, waxna intaa ku darin, Janada magalayaa wuxuu ku yiri: haa ninkii wuxuu yiri: Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxba intaa ku darimaayo.

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeyey qofka tukada salaadaha waajib ka ah ee shanta ah, oo wax suna ah aan ku darin, ramadaankana sooma oo wax suna ah aan ku darin, oo rumeeya xalaasha oo xalaashada, oo rumeeya xaaraanta oo iska ka fogaada, wuxuu galaya janada.

فوائد الحديث

qofka muslimka ah waa inuu ku dadaalo gudashada waajibaadka kana tago xaaraanta, oo u jeedadiisu haato galida janada.

Muhimad ayey leedahay xalaasha oo la sameeyo oo la rumeeyo inay xalaal tahay, iyo xaaraaanta oo la iska xarimo lana rumeeyo inay xaaraan tahay.

Waajibaadka oo la guto iyo xumaha oo laga tago waxay sabab u tahay in janada la galo.

التصنيفات

Magacyada iyo Axkaanta, Iimaanka qaybihiisa, Fadliga Salaada