, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh

, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiise waxaa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate u yimid, wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow naftayada waxaa ku soo dhacaya wax shaki ah oo inaan ku hadalo aan ka jecel nahay in nala gubo wuxuu yidhi-Rasuulku Allaahu Akbar Allaahu Akbar, Allaha dhagarta shaydaanka ku koobay waswaas ayaa mahad leh.

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Abuu Daa'uud.]

الشرح

Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuuna yidhi: Rasuulka Alloow, qof walba oo naga mida naftiisa waxaa ku soo dhaca arin, in lagu hadlo ay wayn tahay, ilaa xad ku hadalkiisa aan ka jecel nahay inaan danbas noqono. Rasuulku naxariis iyo nabadi korkiisa ha haate wuu takbiirsaday laba jeer wuxuuna Ilaahay kaga xamdi naqay in dhagarta shaydaanka Ilaahay ku koobay waswaas keliya.

فوائد الحديث

Waxaa cad in shaydaanku muminiinta u gaadayo siduu u was-waasin lahaa, si uu uga hor joogsado iimaanka, uguna celiyo gaal nimo.

Cadeynta in shaydaanku ka daciifsan yahay inuu dadka iimaanka leh wax yeelo, isagoon awood u llahayn waswaasin mooyee.

qofka muminka ah waxaa ku haboon inuu ka tago waswaaska sheydaanka oo uu iska joojiyo.

Waxaa sharci ah in la takbiirsado marka wax wanaagsan la arko ama wax lala yaabo ama la arko arinkaas wax u eg.

Waxaa sharci ah in qofka muslim ka ahi weydiiyo culimada wixii uu garan waayo.

التصنيفات

Ilaahay casa wajala oo la rumeeyo, Jiniga