إعدادات العرض
Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?
Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma jecel yahay in qof idinka mida haduu u soo laabto reerkiisa uu ka halo saddex halaad oo waawayn oo buur buuran?" waxaan niri: haa. wuxuu yiri: (Seddex Aayadood oo midkiin ku akhriyo Salaada ayaa uga kheyr badan seddex halaad oo waaweyn oo buur buuran).
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Kurdî Moore Wolof Français Oromoo Tagalog Українська Azərbaycan தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar Русский 中文 فارسی kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada oo lagu akhriyo seddex Aayadood ajarkeedu ka kheyr badan yahay in Qofku Gurigiisa ka helo seddex halaad oo riman oo waaweyn oo buur buuran.فوائد الحديث
Waxaa la cadeeyey fadliga uu leeyahay in Quraanka lagu akhriyo Salaada.
Camalka saalixa ahi ka kheyr badan oo ka caaqibo fiican xoolo lagu helo Aduunkaan dhamaanaya.
Fadligaasi kuma koobna oo keliya akhrinta seddex Aayadood, mar walboo Qofka tukanayaa Salaadiisa ku kordhiyo akhrinta Aayadaha khayrka iyo ajarka uu ka helaayo way ka kheyr badan tahay tiradooda geel le`eg.
التصنيفات
Fadliga quraanka kariimka ah