(Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido)

(Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido)

Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay aduunka, gurigaagu waa halka aayada ugu dambaysa aad ku akhrido).

[Xadiis Xasan ah] [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo Axmad]

الشرح

Nabigu scw wuxuu sheegay in lagu oran doono qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu janada galayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka janada, kuna luuqee sidaad ugu luuqayn jirtay akhrintiisa aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato aayada ugu dambaysa akhriskeedu.

فوائد الحديث

Abaal marintu waxay waafaqsan tahay camalka la qabto tiro ahaan iyo tayo ahaanba.

Waxaa la isku booriyey Qur'aanka akhrintiisa, itqaanintiisa, xifdintiisa, tadaburkiisa, iyo ku camal falkiisa.

Janadu waa heerar iyo darajooyin badan, dadka Ahlu Qur'aanka ahi darajooyinka ugu sareeya ayey dagayaan.

التصنيفات

Fadliga Quraanka oo la ilaaliyo, Fadliga quraanka kariimka ah