إعدادات العرض
yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa)
yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa)
Abii Bashiir Al-ansaari-Allaha ka raali ahaade: Wuxuu la socday Rasuulka Ilaahay scw safarradiisa qaarkood, wuxuuna yiri: Rasuulka scw: qof ayuu diray, dadkii oo jooga halkii la dagay -:( yaan lagu dayn ratina inay ku xirnaato qoortiisa kuul iyo qardhaas toona, waana in laga wada goyaa).
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල دری Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda नेपाली Српски Wolof Moore Українська Български Azərbaycan ქართული тоҷикӣالشرح
Nabigu scw wuxuu jirey safaradiisii mid ka mid ah, dadkuna waxay ku sugnaayeen meeshii ay dageen iyo tendhooyinkooda, qof buuna u diray dadka -si uu fariin ugu sheego- taasoo ah: in laga wada jaro wax yaabaha qardhaasaha ah ee awrta qoorta loogu xiray, ha ahaado xadhig, ama waxkale sida koorta ama kabaha, waayo waxaasay u xiri jireen, cabsi ay ka qabeen isha darteed, waxaana la amaray inay ka jaraan xoolaha waxaa, waayo wax ay ka difaaci kartaan jirin, wax tarka iyo wax yeelladuba gacanta Ilaahay bay ku jiraan, kaligi cid la wadaagta ma jirto.فوائد الحديث
Waa xaaraan in lagu lulo xarko iyo kuulo si ay nafac ugu keenaan ama dhib uga celiyaan, waayo waxaasi shirkiga ayey ka mid yihiin.
Waxaa waajib ah in xumaanta la joojiyo-oo laga hortago qof walba inta awoodiisa ah.
Waa waajib in qalbiga lagu xidho Ilaahay kaligii, Ilaahay malaha wax shariig ah.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada