Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel

Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel

Abii Hureyra -Allaha karraalli ahaadee- wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -inuu yiri: " Malaa'igtu ma raacdo safar wata Ey iyo gambaleel."

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inayna malaa'igtu raacayn safar wata Ey iyo ganbaleelka xoolaha lagu xiro ee codeeya marka neefku dhaqaaqo.

فوائد الحديث

waxaa la reebay in Ey la haysto ama la kaxaysto, waxaase laga soo reebay reebidaas Eyga lagu ugaarsado ama kan ilaaliya.

Malaa'igta diidaysa inay raacdo safarka waa Malaa'igta raxmada u qaybsan, laakiin Malaa'igta xafadada ah kama faaruqaan dadka haday joogaan iyo haday safar yihiinba.

Gambaleelka la iska reebay; waa muusig ka mida muusiga shaydaanka, wuxuuna shabahaa naaquuska nasaaradu garaacdo.

Muslimku waa inuu ku dadaalo inuu ka fogaado wax walba oo ka fogaynaaya Malaa'igta.

التصنيفات

Malaa`igta