Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka mabruurka ah-xajka loo ilaaliyey wuxuu ku ansixilahaa

Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka mabruurka ah-xajka loo ilaaliyey wuxuu ku ansixilahaa

Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka mabruurka ah-xajka loo ilaaliyey wuxuu ku ansixilahaa."

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Albukhaari.]

الشرح

Asaxaabtu -Allaha ka raali ahaadee-waxay u arkayeen inuu jihaadka iyo gaalada oo lala dagaalamo uu ugu fadli badan yahay camalka. Sidaa darteed bay Caa'isha weydiisay Nabiga-xarariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in dumarku jihaadaan? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u tilmaamay jihaadka dumarka u fadli badan kaasoo ah xajka wanaagsan ee waafaqsan kitaabka iyo sunada Rasuulka, ee ka nabad galay dambi iyo istustus.

فوائد الحديث

Jihaadku waa camalka ugu fadli badan raga.

Xajku dumarka isagaa uga fadli badan Jihaadka waana camalka ugu fadli badan dumarka.

Camaladu waxay u kala fadli badan yihiin kolba nuuca qofka qabanaya camalka.

Xajka waxaa lagu magacaabay jihaad, waayo waa jihaadka nafta, iyo maalka oo la huro, iyo tamarta jirka oo lagu bixinaayo, waana cibaado jirka iyo maalba lagu bixiyo sida jihaadka Ilaahay darti oo kale.

التصنيفات

Fadliga Xajka iyo Cumrada