Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay

Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: "Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.

فوائد الحديث

Waa sharci in la ilaaliyo wax walba oo ka mida salaada dhamaystirkeeda oo ka fogaynaya wixii nuqsaan ah.

Xadiiska waxaa ku sugan Xikmadii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu dadka wax u bari jirey, waayo wuxuu isku xiriiriyey Xugunkii iyo Ciladiisii, si ay u cadaato Xikmada loo Jideeyey iyo dadka oo lagu dhiiri geliyo inay gutaan Xugunka.

التصنيفات

Axkaanta Imaamka iyo Ma`muumka, Axkaanta Masaajida