إعدادات العرض
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee haduu hindhisayo Gacantiisa ama Maradiisa ayuu saari jiray Afkiisa oo ku yarayn jiray Codkiisa.
[Xadiis Saxiix ah] [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed]
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी Hausa Kurdî Kiswahili Português සිංහල دری অসমীয়া ไทย Tiếng Việt Svenska Кыргызча Yorùbá ગુજરાતી नेपाली Oromoo മലയാളം Română Nederlands پښتو తెలుగు Kinyarwanda ಕನ್ನಡ Српски Moore ქართული Čeština Magyar Українська Македонски Lietuvių Azərbaycan Wolof বাংলাالشرح
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa haduu hindhisayo: marka 1aad: Gacantiisa ama Maradiisa ayuu Afka saari jiray, si aanu uga soo bixin Afkiisa ama Sankiisa wax dadka la fadhiya dhiba. Marka 2aad: Codkiisa ayuu hoos u dhigi jiray oo kor uma qaadi. jirin.فوائد الحديث
Xadiiskaan waxaa ku cad dhaqankii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu u hindhisi jiray iyo in looga daydo arinkaas.
Waa Suno in Afka iyo Sanka la saaro Maro ama Masar iyo wixii la mid ah markuu Qofku hindhisayo, si aanay uga soo bixin wax dhiba Qofka la fadhiya.
Xadiiska waxaa ku sugan in la rabo in Codka hoos loo dhigo marka la hindhisaayo, waana kaamilnimada aadaabta iyo akhlaaqda wanaagsan.