إعدادات العرض
Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam
Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade Nabiga wuxuu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Axmed]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල ไทย دری Akan Azərbaycan Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy नेपाली or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Moore Wolof Oromoo bm Українська rn km Српски ქართული Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu scw wuxuu sheegay in Ilaahay uu cariyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.فوائد الحديث
Xadka sharciga ah in la dhaafiyo qubuurta Ambiyada iyo Saalixiintu waxay keenaysaa in Ilaahay sokodi la caabudo, waa waajib in laga digtoonaado asbaabta shirkiga keenta.
Ma banaana in la aado qabuurta iyado la waynaynayo oo agteeda lagu cibaadaysto, sikasta oo uu Ilaahay ugu dhawaa qofka qabriga ku jiraa.
Waa la xarimay in qabuurta laga dul dhiso masaajid.
Waa la xarimay in salaad lagu tukado qabuurta xataa hadaan masjidka loo dhisin salaada janaasada mooye taaso aan weli lagu tukan.