إعدادات العرض
Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca
Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca
Umu ٍSalama, Muuminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca oo ku raali noqda, waxay yiraahdeen: ma la diriraynaa? wuxuu yiri: maya, inta ay tukanayaan".
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી Yorùbá සිංහල தமிழ் دری Кыргызча or Kinyarwanda नेपाली Română Lietuvių Oromoo Nederlands Српски Українська ಕನ್ನಡ Wolof Moore ქართული Azərbaycan Magyar Македонски አማርኛالشرح
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan wax yaabo tusinaaya nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waayo wuxuu sheegay waxa dhicidoona ee qaybka ah waxayna u dheceen sidii uu u sheegay.
Ma banaana in laga raali ahaado Munkarka iyo in laga qayb qaato, waana waajib in la diido.
Hadii Madaxdu sameeyaan wax Shareecada khilaafsan ma banaana in lagu raaco arinkaas.
Madaxda Muslimiinta in lala dagaalo ma banaana, waayo waxaa ka dhalanaya fasaad, dhiig la daadiyo iyo amniga oo la waayo, in loo adkaysto Munkarka Madaxda caasiga ah oo lagu sabro dhibkooda ayaa ka sahlan in lala dagaalo.
Salaada arinkeedu waa mid aad u weyn, iyadaana kala saarta Kufriga iyo Islaamka.
التصنيفات
Imaamka oo lala dagaalo