إعدادات العرض
muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo
muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "muslimku xaga uu ku leeyahay muslimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo".
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Français ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் ไทย دری Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська km bm rn ქართული Македонски Српски Ελληνικάالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda muslimku ku leeyahay walaalkiisa muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta. Xaqa labaad: waa booqashada qofka jiran iyo siyaaradiisa. xaqa saddexaad: waa janaasada raacideeda laga bilaabo gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad guur iyo qayrkeedba. xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay wuxuu oronayaa: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.فوائد الحديث
Xadiiska waxaa ku sugan weynida Islaamku inay ka muuqato siduu u adkeeyey xuquuqda u dhaxaysa muslimiinta iyo xoojinta walaaltinimada iyo is jacaylka u dhexeeya.