Rasuulka Ilaahay scw wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,

Rasuulka Ilaahay scw wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,

Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,: mahad Ilaahay ayaa iskale, Isagaanan kaalmaysanaynaa oo dambi dhaaf waydiisanaynaa, Isagaanan ka magan galaynaa sharka naftayada, qofkuu Ilaahay hanuuniyo cid baadiyey kartaa ma jirto, qofkuu Ilaahay baadiyeeyona cid hanuunin kartaa ma jirto, waxaan qirayaa in uusan jirin mid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna adoonkiisa iyo Rasuulka uu soo diray yahay, {dadoow Rabigiina naf kaliya idin ka abuuray kabaqa, ee lamaanaheedana isla naftaa ka abuuray, ee ka abuuray labadaa nafood raga iyo dumar badan, ka baqa Allaha isaga dartii aad wax isku waydiisataan iyo qaraabada Ilaahay wuxuu ahaaday mid idin arka oo og waxa aad laabihiina ku qarinaysaan} [Annisaa:1], {kuwa ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay uga cabsada sida ugu wanaagsan ee xaqa uu u leeyahay in looga cabsado, hana soo dhimanina inaad muslimiin tihiin mooye} [Aala cimran:102], {kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay ka cabsada oo hadal toosana dhaha (70) wuu idiin hagaajin camalkiina dambigiinana idiin dhaafi qofka Ilaahay iyo Rasuulkiisa addeeca ee u hoggaan sanaada dhab ahaan guul wayn buu ku guulaystay} [ Al axsaab:70-71].

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxaa wariyay Ibnu Maajah.]

الشرح

Cabdullaahi bn Mascuud-Allaha ka raali ahaade inuu Nabigu scw baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan. Nabigu scw ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay gacantiisa kujiro, qofka uu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn. Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamad iyo inuu yahay adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa. wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan saddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaan shaha waxa uu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo aduunka ah iyo inuu helo liibaan wayn oo jano ah maalinta qiyaamaha.

فوائد الحديث

Waxaa la suneeyey in lagu furo khudbadaha guurka, jumcada, iyo wixii kalee la midka ahba khudbadan.

Waxaa haboon inay khudbadu ka kooban tahay mahadinta Ilaahay iyo shahaadateynka, iyo aayado Qur'aan ah.

Nabigu scw wuxuu bari jiray asaxaabtiisa waxay u baahan yihiin ee xaga diintooda ah.

التصنيفات

Axkaanta iyo Shuruuda Guurka