إعدادات العرض
waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha
waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha
Abii Dar Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay weelasha xawdku ? wuxuu yiri: ( waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha, hooy habeenka mugdiga ah ee cirka wax ku daboolani aysan jirin, weelasha janada qofka ku caba waligii ma haraadayo, waana haraadkii ugu dambeeyey, waxaa ku guuxa oo ku soo hoobta biyaha xowdka soo maraan laba majaroor oo janada ka soo shubmaan, qofka ka caba ma haraado, balaciisu waa inta dhererkiisu le'eg yahay, oo ah masaafada u dhaxaysa Camaan iyo Ayla biyihiisu ka cadaan badan caanaha, kana macaan badan malabka.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Wolof Français Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm ქართული Deutsch Português Македонски Magyar فارسی Lingala Русский 中文الشرح
Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeyey ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Camaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.فوائد الحديث
Waa sugan yahay xowdka iyo nicmooyinka kala duwan ee dhexyaal.
Waa wayn yahay xowdku, dhererkiisa iyo ballaciisa waana tiro badan yihiin weelashiisu.
التصنيفات
Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo