Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor

Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor

Cabullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee isagoo dhahaya: «Ilaahay wuxuu qoray maqaadiirta khalqiga inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka Kontan kun oo Sano ka hor wuxuu yiri: carshigiisuna Biyaha ayuu ka sareeyey».

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahey ku qoray Looxul Maxfuudka wixii dhici doona ee khalqiga qadarkooda ah iyadoo faah-faah taaso inta aanu abuurin samooyinka iyo dhulka konton kun oo sano ka hor, waxayna u dhicidoontaa sida uu Ilaahay casa wajala ugu talo galay. Wax kasta oo dhaca waxay ku dhacaan Ilaahay qadarkiisa iyo qadihiisa. Wixii Adoonka ku dhaca ma ay gafeen, wixii aan ku dhicina kuma ay dheceen.

فوائد الحديث

Waa waajib ah in la rumeeyo qadarka iyo qadaha

Qadarku waa Ilaahay inuu og yahay shey walba uuna qoray oo uu doonay oo abuuray.

Waa in la rumeeyo in qadarka la qoray inta aan la abuurin samooyinka iyo dhulka wuxuuna keenayaa raali ahaansho iyo in Ilaahay la isku dhiibo.

Carshiga Ilaahay biyuu dul ahaa intaan la abuurin Samooyinka iyo Dhulka.

التصنيفات

Qadarka iyo Qadaha martabooyinkooda