taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood

taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood

Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood".

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina. Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar. Wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.

فوائد الحديث

Waa la reebay in la rumaysto faalalowyada, waxay sheegaana waa been la dhoo dhoobay, runba ha sheegeen mararka qaarkoode.

Samada waxaa laga ilaaliyey shayaadiinta soo diritaankii Nabi Maxammad nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib inay soo dhagaystaan wax waxyiga ka mida iyo qayrkiba mid wuxuu maqlay soo xaday maahee oo ka nabad galay shihaabka lagu tuuro.

Jinigu wuxuu leeyahay kuwo u Madax ah oo insi ah.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada, Masalooyin Jaahili ah