midka u dagaalama si ay klimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay

midka u dagaalama si ay klimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay

Abii Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- ayaa la weydiiyey ninka u dagaalama geesinimo, kan ku dagaalama qabyaalad iyo kan ku dagaalama is tustus, keebee dar Ilaahay dagaalkiisu ahaanayaa? wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: "midka u dagaalama si ay klimada Ilaahay kor u ahaato ayaa dar Ilaahay u dagaalamay."

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- waxaa la weydiiyey sida ay isu khilaafsan yihiin ujeedooyinka dadka dagaalamaya, ninka u dagaalamaya geesinino ama qabyaalad, iyo kan uu ka yahay dagaalku si loo arko meesha uu bulshada ka joogo iyo wixii la mida, keebaa jidka Ilaahay ku dagaalamay? Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu u sheegay midka dar Ilaahay u dagaalamay waan ku dagaalamay si kalimada Ilaahay kor u ahaato.

فوائد الحديث

Camalka wanaagiisa iyo xumaantiisu waxay ku xiran tahay niyada iyo in Ilaahay loo khaalis yeelo camalka.

Markuu yahay ujeedka jihaadku saraynta diinta Ilaahay, haday ku soo darsanto ujeedo kale sida in qaniimo la helo, taasi ma dhibayso asalka niyada.

Wadanka oo laga difaaco cadawga iyo xurumaatka muslimiinta, waxay ka mid tahay dar Ilaahay oo loo laga dagaalamo.

Fadliga ku soo arooray jihaadka wuxuu gaar u yahay midka u dagaalamaya inay diinta Ilaahay kor ahaato.

التصنيفات

Aadaabta Jihaadka