dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen

dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen

Cabdullaahi Ibnu Cabaas -Allaha ka raali noqdee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu yiri: subaxdii jamratul-caqaba latuurayey, isagoo hashiisii saaran: "dhagax ii soo gur" waxaan u soo guray todoba dhagax oo yar-yar, oo kuwa far garanka ah, wuxuu bilaabay inuu gacantiisa ku ruxo oo dhaho: "kuwan oo kale uun tuura" ka dib wuxuu dhahay: "dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen."

[Xadiis Saxiix ah] [Waxaa wariyay Ibnu Maajah, An-nasaa'i iyo Axmed]

الشرح

Cabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.

فوائد الحديث

Waxaa la reebay in diinta lagu xad gudbo, oo la cadeeyo cirib xumada ka dhalan karta, ayna sabab u noqon karto Halaaq.

Waa in lagu cibro qaato ummadihii naga horeeyey oo aan ka fogaano qaladkii ay ku dhaceen.

waxaa la isku boorinayaa in sunaha lagu daydo.

التصنيفات

Masalooyin Jaahili ah