إعدادات العرض
, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga scw waxaa lagu yiri: rasuulkii Ilaahayow dadka yaa ugu mudan shafaacadaada maalinta qiyaame? wuxuu yiri Rasuulku:(dhab ahaan waxaan filayey Abaa Hureyrow in aanu i waydiinayn xadiiskaan qof adiga kaa horeeya markaan arkay sidaad ugu dadaalaysid xadiiska, qofka dadka ugu mudan shafaacadayda maalinta qiyaame, waa qofka qalbigiisa ama naftiisa si ikhlaas ah uga yiraahda laa ilaaha ilaa Allaah.)
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands ئۇيغۇرچە සිංහල தமிழ் ไทย دری Български Fulfulde Magyar Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda тоҷикӣ O‘zbek Akan नेपाली Moore Azərbaycan Wolof Oromoo Українська bm km rn ქართული Македонски Српски Lingalaالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay qofka ugu mudan shafaacadiisa maalinta qiyaame waa qofka qalbigiisa si ikhlaas ah uga yiraahda: (Laa Ilaaha Ilaa Allah) majiro mid xaqa lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn, waana inuu yahay mid ka nabad galay shirkiga iyo is tus tuska.فوائد الحديث
Waxaa sugan in Rasuulku scw uu shafaaco leeyahay aakhiro, shafaacadiisana ma helayso cidaan muwaxidiinta ahayn.
Nabiga scw shafaacadiisu waa isagoo Ilaahay u barya qofka naartu u waajibtay inuusan naarta galin, kii naarta galayna uu shafacaada kaga soo boxo naarta.
Fadliga ay leedahay kalimada tawxiidku iyadoo Ilaahay loo gaar yeelayo, iyo waynida raadkeeda.
Kalimada towxiidka waxaa lagu xaqiijin karaa in macnaheeda la barto laguna camal falo waxay keenayso.
Fadliga Abii Hurayre Allaha ha ka raali noqdee, iyo dadaalkiisa uu cilmiga ku bixiyey.
التصنيفات
Towxiidka Ilaahnimada