qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa

qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa

Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: kalimad ana mid ayaan iri, Nabigaa yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " qofka dhinta isagoo baryaya cid aan Ilaahay ahayn Naartuu gelayaa," ana waxaan iri: qofka dhinta isagoon baryeyn cid aan Ilaahay ahayn Janaduu gelayaa.

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu inoo sheegay in Qofkii u leexiya Cibaado Ilaahay leeyahay cid isaga qayrki ah, sida baryada Ilaahay qayrki la baryo, ama cidaan Ilaahay ahayn oo loo qayshado, ee sidaa ku dhinto Naarta ayuu gelayaa. Ibnu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu ku siyaadiyey qofka dhinta isagoon Ilaahay cidna ugu shariig yeelin, kaasi wuxuu ku dambaynayaa Janada.

فوائد الحديث

Ducadu waa cibaado, mana loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn.

Xadiiska waxaa ku sugan FadligaTowxiidka, iyo qofkii ku dhinta Towxiidka inuu Janada gelayo, xataa hadii lagu ciqaabo danbiyadiisa qaarkood.

Xadiiska waxaa ku sugan khatarta Shikiga iyo in qofka ku dhinta Naarta gelayo.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada