ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina

ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina

Abii Muslim Alkhawlaani waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaa ii waramay xabiibkii aaminka ahaa, isgu waa midaan jeclahay, oo isagu waa ka aamin xagayga, Cawf Binu Maalik Alashjaciye-Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: waxaan la joognay Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-anagoo sagaal ama sideed ama todoba ah, wuxuuna yiri: " miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" waxaan ahayn kuwo ku cusub baycada, waxaan niri: waanu kula mubaayacoonay Rasuulka Ilaahayow, ka dib wuxuu yiri: "miyeydaan la mubaayacoonayn Rasuulka Ilaahay?" wuxuu yiri: gacmahayagaan fidinay, waxaana aan niri: waan kula mubaayacoonay Rasuul Ilaahayow, ee maxaan kugula mubaayacoonaa? wuxuu yiri: "inaad Ilaahay caabudaan, wax kalena aydaan la caabudin, iyo salaadaha shanta ah, oo aad adeecdaan-hadal yar buu hoos u dhigay-dadkana waxba ha waydiisanina" xaqiiqo ahaan waxaan arkay kuwaa qaarkood oo markuu jeedalku ka dhoco aan waydiisanayn qof u soo dhiiba.

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- isagoo la jooga qaar asxaabtiisa ka mida ayuu waydiiyey sadex jeer inay la mubaayacoodaan oo balan kula galaan inay dhawr arimood ku dhaganaadaan. mida 1aad: inay Ilaahay kaligi ay caabudaan, iyagoo u hogaan samaya amaradiisa, kana fogaanaya wixii uu ka reebay, cid kalena cibaadadiisa aanay la wadaajin. mida 2aad: inay oogaan salaadaha shanta ah, ee Ilaahay faral yeelay maalinta iyo habeenka. mida 3aad: In la maqlo oo wanaaga lagu adeeco qofka loo dhiibo talada Muslimiinta. mida 4aad: baahidooda oo ay Ilaahay keligi u sheegtaan, oo aanay dadka waxba waydiisan, Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-codkiisa hoos ayuu u dhigay. wayna ku camal faleen asaxaabtu wixii ay Nabiga kula mubaayacoodeen, ilaa uu raawiga xadiisku yiri: waxaan arkay asaxaabtii uu Nabigu scw la mubaayacooday oo haduu midkood jeedalku ka dhoco aan cidna waydiisanayn inay u soo qaadaan, ee isagu soo dagayo oo qaadanayo jeedalkiisa.

فوائد الحديث

waxaa dadka lagu boorinayaa inay ka iska daayaan baryada dadka, iyo in dadka wax waydiintooda laga kaaftoomo xataa wax yarba ha ahaatee.

Su'aasha la reebay waa mida ku saabsan: arin aduunyo, oo su'aashu makhusayso wixii diin iyo aqoon kororsi ah.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada