Wax kastoo wanaag ahi waa sadaqo

Wax kastoo wanaag ahi waa sadaqo

Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiibee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Wax kastoo wanaag ahi waa sadaqo."

[Xadiis Saxiix ah] [waxaa wariyey bukhaari,waana xadiiska jaabir,muslimna waxuu kuwariyey xadiiska xudayfa]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay wanaag kasta iyo wax tar kasta oo loo qabto dadka sida hadalka iyo adeega waa sadaqo, ajar iyo xasanaad baa ku jira.

فوائد الحديث

Sadaqadu kuma koobna waxay dadku maalkooda ka bixiyaan, balse waxaa soo galaya khayrka dadku sameeyo ama ay dhahaan oo ay dadka gaarsiiyaan.

Waxaa ku jira in dadka la jeclaysiiyo wanaaga bixintiisa, iyo wixii nafac ugu jiro dadka kale.

Lama yaraysto shay wanaaga, haba yaraadee.

التصنيفات

Fadliga Camalka Saalixa ah