Ha ka dhigina Guryihiina Qabuur oo kale, Shaydaanku wuu ka cararaa Guriga Suuratul Baqara lagu akhriyee

Ha ka dhigina Guryihiina Qabuur oo kale, Shaydaanku wuu ka cararaa Guriga Suuratul Baqara lagu akhriyee

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ha ka dhigina Guryihiina Qabuur oo kale, Shaydaanku wuu ka cararaa Guriga Suuratul Baqara lagu akhriyee".

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Guryaha laga qadiyo Salaada oo ay noqdaan sida Qabuurta aan lagu tukan. Ka dibna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Shaydaanku ka cararo Guriga lagu akhriyo Suurada Baqara.

فوائد الحديث

Waa Sune in la badiyo cibaadada iyo Salaada Sunaha ah ee Guryaha lagu tukado.

Ma banaana in lagu tukado Qubuurta, waayo waa wax yaabaha keena Shirkiga iyo in dadku ku xad gudbaan Qubuurta, Salaada Janaasada wax ka baxsan lama ogola.

Reebida in Qubuurta lagu tukado wuxuu ka sugnaaday Asxaabtii, sidaa daraadeed Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Guryaha laga dhigo sida Qubuurta aan lagu tukan.

التصنيفات

Fadliga Suuradaha iyo Aayaatka