xaqa Alle Addoomada ku leeyahay waa iney caabudaan oo ayna cidna ugu shariig yeelin, xaqa Addoomadu Alle ku leeyihiina waa inuuna cadaabin qofkii aan u shariig yeelin

xaqa Alle Addoomada ku leeyahay waa iney caabudaan oo ayna cidna ugu shariig yeelin, xaqa Addoomadu Alle ku leeyihiina waa inuuna cadaabin qofkii aan u shariig yeelin

Mucaad Allaha ka raalli noqdee waxaa laga wariye inuu yidhi: Nabiga ayaan la fuushanaa dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yidhi: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Alle ku leeyahay addoomahiisa iyo xaqa adoomadu Alle ku leeyihiin waxaan idhi: Alle iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yidhi: xaqa Alle Addoomada ku leeyahay waa iney caabudaan oo ayna cidna ugu shariig yeelin, xaqa Addoomadu Alle ku leeyihiina waa inuuna cadaabin qofkii aan u shariig yeelin waxaan idhi: Rasuulka Alloow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yidhi: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane.

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahey ku leeyahay addoomada, iyo xaqa addoomadu Ilaahey ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay addoomada waa iney caabudaan keligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa addoomadu Ilaahey ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna lawadaajin Mucaad ka dib wuxuu yidhi: Rasuulka Alloow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaa weyn? Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.

فوائد الحديث

Caddaynta xaqa Ilaahay kuwaajibiyey addoomadiisa, kaaso ah iney caabudaan oo aanay cidna ugu shariig yeelin.

Caddaynta xaqa addoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahey fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu janada geliyo oo aanu cadaabin.

Xaddiiska waxaa ku jira bishaaro weyn oo ay leeyihiin muwaxidiinta aan ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay janada galayaan.

Mucaad wuxuu xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, wuxuuna ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta cilmiga.

Waxaa lagu baraarujinayaa inaan dadka qaar loo sheegin Axaadiista qaarkeed, cabsi laga qabo inay fahmi waayaan macnaha xadiiska, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn xad xuduudda shareecada ka mida.

Dadka muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan janada.

التصنيفات

Towxiidka Ilaahnimada, Fadliga Towxiidka