إعدادات العرض
Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah
Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah, waxaa lagu yiri Rasuulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filan. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhamaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore or Kurdî Oromoo Français Wolof Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文 kmالشرح
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ka mid ah. Naarta Aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka Aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, Naarta Aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii gelaysa. Wuxuu yiri: Naarta Jahanama waa laga siyaadiyey kulaylka dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhamaantood kulaykoodu iyadoo kale yahay.فوائد الحديث
waxaa la isaga digay Naarta si dadku uga fogaadan samaynta ficilada Naarta lagu mutaysto.
Xadiiska waxaa ku sugan weynaanta Naarta Jahanama iyo cadaabkeeda, iyo kuleylkeeda oo daran.