إعدادات العرض
Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga
Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga
Daawuus waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan soo gaaray dad ka mida Asxaabtii Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo oranaya wax waliba waa qadar, wuxuu yiri: waxaan maqlay Cabdullaahi Binu Cumar oo oranaya: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Wax kasta qadar ayey ku dhacaan, xataa wahsiga iyo firfircoonida ama firfircoonida iyo wahsiga".
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Français Wolof Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文 kmالشرح
Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey wax kastaa inay qadar ku dhacaan. xataa wahsiga: kaaso ah in qofku ka tago wixii waajibka ku ahaa inuu falo, ama uu ka caajiso, oo dib uga dhigo waqtiguu qaban lahaa waajibkaa ku saabsan arimaha aduunka ama aakhirada. Xataa firfricoonida oo ah inuu qofku fiiro gaara u leeyahay arimaha aduunka iyo aakhiro. Ilaahay casa wajala isagaa qadaray wahsiga iyo firfircoonida iyo wax walba, wax kasta oo dunida ka dhaca waa shay ilaahay horay u ogaa oo uu horay u doonay.فوائد الحديث
waa la cadeeyey in Asxaabtu Allaha ka raali ahaadee ay rumaysnaayeen qadarka.
Wax kasta waxay ku dhacaan qadarka Ilaahay xataa wahsiga iyo firfircoonida.
Waa hubinta iyo digtoonida asxaabta Allaha ka raali ahaade ee xaga tabinta xadiiska Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
waa in la rumeeyo qadark oo dhan kheyrkiisa iyo sharkiisaba.