إعدادات العرض
Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn
Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade wuxuu Nabiga scw ka wariyey inuu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaada u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]"
[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Italiano Bosanski ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Wolof Українська Tagalog தமிழ் Moore Malagasy Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutschالشرح
Nabigu scw wuxuu cadeeyey qofka ilaawa salaad faral ah ee waqtigeedii baxay, waxaa ku waajib ah inuu u deg-dego qalaynteeda marka uu xasuusto, dambiga ka tagida salaada laga dhaafimaayo oo Ilaahay ma asturayo in muslimku uu tukado markuu xasuusto maahee, Ilaahay ayaa kitaabkiisa ku yiri: {salaada u oog xuskayga dartii} [suuratu: daaha:14], oog oo tuko salaada aad ilawdo markaad xasuusato.فوائد الحديث
Waxaa la cadeeyey ahmiyada salaada iyo inaan la fududaysan gudashadeeda iyo qalaynteeda.
Ma banaano in salaada laga dib dhigo waqtigeeda, cudur daar la'aan.
Waa waajib inuu qaleeyo qofka ilaawa salaada markuu xasuusto, kan hurdaana markuu tooso.
Salaada in durba la qaleeyo waa waajib haba ahaato waqtiyada salaada la reebaye.