Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista

Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista

Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inay Muslimiinta talada u qaban doonaan Madax qaadan doona maalka Muslimiinta iyo Aduunyada kaleba, oo waxay doonaan ku sameynaaya Muslimiintana u diidaya xaqa ay ku leeyihiin. Madaxdaas waxaa laga arki doonaa arimo aad Diinta waafaqsanayn oo la diido. Asaxaabtu waxay waydiiyeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waxa ay sameynayaan xaaladaas?. Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Xoolaha ay qaateen aysan keenayn inaad diidaan xaqii ay waajibka idinku lahaayeen oo ah inaad maqashaan oo adeecdaan, balse ku sabra oo maqala oo adeeca oo ha ku qabsanina Xukunka, oo Ilaahay waydiista xaqiina, oo ka barya inuu idiin hagaajiyo oo idinka celiyo Sharkooda iyo Dulmigooda.

فوائد الحديث

Xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha cadaynaya Nabinimada Nabiga -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- waayo wuxuu sheegay waxa ummaddiisa ka dhici doona, waxayna u dhacday siduu u sheegay.

Xadiiska waxaa ku sugan inay banaan tahay in la sheego midka shay ku ibtilaysan waxa ku dhici doona ee balaayo ah, si uu naftiisa ugu diyaariyo, marka waxaasi ku dhacaan oo uu noqdo mid sabra kana ajarsada.

Xadiiska waxaa ku sugan in qabsashada Kitaabka iyo Sunada Rasuulka -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- waa labada lagaga boxo fitanta iyo khilaafka.

Xadiiska waxaa ku sugan in la isku booriyo is maqalka oo wanaaga lagu adeeco Madaxda oo aan lala dagaalamin xataa hadii ay la yimaadaanDulmi.

Xadiiska waxaa ku sugan in waqtiga fitnada la isticmaalo xikmad oo Sunada la raaco.

Qofka waxaa waajib ku ah inuu guto waajibka isaga saaran isaga haba la Dulmiyee.

Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Qaacidada ah: in la doorto labo Shar kii sahlan ama labo dhib kii fudud.

التصنيفات

Waajibaatka Imaamka