Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin

Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- Rasuulka -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu ka wariyey inuu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."

[Xadiis Saxiix ah.] [Waxa wariyay Muslim.]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa baadilka iyo shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa dambiga ay yeelanayaan dadka xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin dambiyadooda waxba.

فوائد الحديث

Fadli wayn baa ku jira dadka oo hanuunka iyo kheyrka loogu yeero, ha badnaato ama ha yaraatee, qofka daaciga ah ee dadka kheyrka u hor seedana wuxuu leeyahay ajarka qofka waanagiisa ku camal falay oo kale, arinkaasina waa fadliga Ilaahay iyo kaamilnimada deeqsinimadiisa.

khatar ayaa ku jirta dadka oo xumaan loogu yeero, wax wayn iyo wax yar kay doontaba ha ahaatee, midka xumaanta ugu yeeraya wuxuu leeyahay dambiga uu helayo kan xumaanta ka qaatay ee sameeyey.

Abaal marintu waa nooca hadba camalku yahay, qofka kheyr dadka ugu yeera kheyrkaa cida sameysa ajarkeedoo kale ayuu helayaa, midka sharka ugu yeerana sharkaa cida sameysa dambiga ay ka helayaan oo kale ayuu leeyahay.

Qofka muslimka ah waa inuu ka digtoonaadaa in lagaga daydo xumaan uu muujiyey dadka hortiisa, waayo waxaa dusha loo saari dambiga dadka kaga dayda xumaanta waloow yaanu ku boorine.

التصنيفات

Bidcada