Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka

Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka ugu beenta badan, dadka ha baar baarina, ha basaasina, oo ha is xasdina, hana kala jeensanina, hana isku caroonina, adoomada Ilaahayow walaalo ahaada".

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu reebey kana digay wax yaabaha u keena muslimiinta kala fogaanta iyo cadaawada. Waxaana ka mid ah: (malaha), waana tuhun ku dhaca qalbiga daliilna aan lahayn, wuxuuna cadeeyey, inuu yahay war kan ugu beenta badan. (ceebo raadinta): waa qofka oo ku raadiya isha ama dhagta ceebaha dadka. Iyo (basaasida): waa baarida umuuraha dadka u qarsoon, inta badana waxa laga sheegaa waa sharka. Iyo (xasadka): waa qofka oo uurka ka naca dadka kale inay nicmo helaan. Iyo (isu daba jeedin): waa dadka oo is naca oo midba mid ka jeensado, oo uusan salaamin oo siyaaran walaalkiisa muslimka ah. Iyo (isku carood): waa in la is karho oo la kala dido, sida in dad kale la dhibo iyo in si xun loo qaabilo. Ka dib wuxuu yiri hadal guud oo xaalka wadajirka muslimiintu ku hagaagayo, waxa uu yiri: (ahaada adoomo Ilaahay oo walaalo ah) walaaltinimadu waxay isku xidhaa xiriirka dadka ka dhexeeya, waxayna kordhisaa is jacaylka iyo isku duubnaanta dadka.

فوائد الحديث

dhib malaha hadii male xun laga maleeyo qofka calaamadihiisu ka muuqdaan, mu'uminkuna waa inuu ahaado qof caqlilow ah oo wax fahmi kara oo aan ku sirmin dadka xun iyo faasiqiinta.

Ujeedadu waa in laga digo malaha iyo tuhunka nafta ku jira oo lugu sii adkaysto, laakiin waxa nafta kusoo dhacaya ee aan ku sii hadrayn kaasi dhib malaha.

Waa la xarimay asbaabta keenta in bulshada muslimku kala tagto oo is goynso, sida is basaasida, xasadka, iyo wixii la mida.

Waxaa la isu dardaarmay in muslimka lagula dhaqmo dhaqan walaaltinimo iyo naseexo iyo is jacayl leh.

التصنيفات

Akhlaaqda xun