Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo

Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu Rasuulka Ilahay ka wariyey inuu yiri: "Ma aha kan xooga lihi kan dadka legda, ee kan xooga lihi waa kan naftiisa hanta markuu caroodo.

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in xooga dhabta ahi uusan ahayn kan jirka, ama qofka dadka xooga leh lagda, , balse kan xooga badani waa midka naftiisa ka adkaada ee qasba markuu aad u caroodo, waayo taasi waxay tusaysaa inuu awood u leeyahay inuu naftiisa hanan karo oo uu ka guulaysan karo shaydaanka.

فوائد الحديث

Fadliga dulqaadka iyo nafta oo la qabto marka la caroodo, wuxuuna ka mid yahay camalka saalixa ah ee Diinta Islaamku ku .booriday.

Nafta oo lagu jihaado marka la caroodo wuu ka daran yahay in cadow lagu jihaado.

Islaamku wuxuu u badalay aragitda xooga jaahiliga ahaa akhlaaq fiican, qofka dadka ugu xooga badani waa qofka naftiisa hanan kara.

Waa in laga fogaado carada, waayo dhib ayaa ugu jira qofka iyo Bulshadaba.

التصنيفات

Akhlaaqda wanaagsan