إعدادات العرض
Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo qaraabadiisa
Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo qaraabadiisa
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay scw uu yiri: "Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo qaraabadiisa."
الترجمة
العربية Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Türkçe اردو 中文 हिन्दी বাংলা ئۇيغۇرچە Kurdî Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili தமிழ் සිංහල မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands Hausa ไทย دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Tagalog Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Malagasy Македонскиالشرح
Nabigu scw wuxuu ku booriyey in qaraabada lagu xiriiriyo booqasho, in la karaameeyo jir ahaan, xoolo ahaan iyo wixii la mida, waxayna sabab u tahay irsaaqada oo la waasiciyo iyo cimriga oo la dheereeyo.فوائد الحديث
Raximku waa qaraabada ka soo jeeda xaga aabe iyo xaga hooyo, mar kasta oo uu noqdo qaraabo dhaw isagaa sii awlaysan in la xariiriyo.
Abaal marintu waa nooca camalka, qofkii qaraabadiisa ku xiriiriya wanaag iyo ixsaan, Ilaahay wuxuu u xiriiriyaa cimrigiisa iyo irsaaqadiisa.
Xiriirinta qaraabadu waxay sabab u tahay in irsaaqada loo waasiciyo waxay kaloo sabab u tahay in cimriga loo dheereeyo inkastoo ajasha iyo risqiguba qoran yihiin, laakiin waxay noqon kartaa in loo barakeeyo risqiga iyo cimriga, oo uu qabto wax ka badan kana nafac badan dadka kale waxay qabtaan, waxaa kale oo lagu sheegay risqiga iyo cimriga si dhab ah in loogu siyaadiyo, Ilaahay ayaa og.
التصنيفات
Fadliga Camalka Saalixa ah