إعدادات العرض
Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso
Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu ka wariyey Rasuulka scw inuu yiri: "Qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, qofka rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha jaarkiisa ha maamuuso, qofka Ilaahay iyo maalinta qiyaame rumaysan ha maamuuso martidiisa."
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் ไทย دری Fulfulde Magyar ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių or Română Kinyarwanda Српски O‘zbek Moore नेपाली Oromoo Wolof Български Українська Azərbaycan ქართული тоҷикӣ bm Македонски Malagasyالشرح
Nabigu scw wuxuu sheegay in adoonka muuminka ee rumaysan Ilaahay iyo maalinta qiyaamaha ee loo celinaayo qiyaamaha ee abaal marinta camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu sifooyinkaa wanaagsan sameeyo: Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduuna samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha ka daayo, carabkiisana ha xafido. Tan labaad: maamuuska dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin. Tan saddexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.فوائد الحديث
Rumaynta Ilaahay iyo maalinta qiyaamahu waxay sal dhig u yihiin khayr oo dhan, waxayna farayaan qofka inuu khayr sameeyo.
Waxaa laga digayaa aafada carabka .
Diinta Islaamku waa diin isku duubnaan iyo karam ah.
Sifooyinkaa waxay ka mid yihiin qaybha Iimaanka iyo aadaabta fiican.
Hadalka badani waxaa dhici karta inuu qofka u soo jiido shay karaahiyo ah ama xaaraan ah, nabad galyadu waxay ku jirtaa inuusan ku hadlin waxaan khayr ahayn.
التصنيفات
Akhlaaqda wanaagsan