(Ilaahay wuu kaga raali noqdaa qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo)

(Ilaahay wuu kaga raali noqdaa qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo)

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay scw wuxuu yiri: (Ilaahay wuu kaga raali noqdaa qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo).

[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]

الشرح

Nabigu scw wuxuu cadeeyey in marka adoonku Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa uu ku mahadiyo ay ka mid tahay arimaha lagu gaaro Ilaahay raali ahaantiisa, markuu cuntada cuno wuxuu oran: Alxamdu lilaah, haduu cabana wuxuu oran: Alxamdu lilaah.

فوائد الحديث

Deeqsinimada Ilaahay casa wajala, wuxuu fadligiisa ku siiyey irsaaqad hadii lagu xamdiyona wuu ku raalinoqdaa.

Raali ahaanta Ilaahay waxaa lagu gaaraa asbaabta ugu fudud, sida mahadnaqa marka wax la cuno ama wax la cabo.

Aadaabta cuntada iyo cabitaanka waxaa ka mida: Ilaahay oo loo mahadiyo cunida iyo cabida ka dib.

التصنيفات

Aadaabta Cunida iyo Cabida