Ilaahay wuxuu yiri: Ibni Aadanow wax bixi aan wax ku siiyee

Ilaahay wuxuu yiri: Ibni Aadanow wax bixi aan wax ku siiyee

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay wuxuu yiri: Ibni Aadanow wax bixi aan wax ku siiyee."

[Xadiis Saxiix ah] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay isagaa koreeyee uu yiri: Ibni Aadanow bixi Sadaqada waajibka ah iyo tan Sunada ahba, waan idiin waasicin oo badal idinsiine idiina barakayne.-

فوائد الحديث

Waxaa la isku booriyey Sadaqada iyo in jidka Ilaahay wax lagu bixiyo

Ku bixinta Maalka meelaha khayrka ahi waxay ka mid tahay asbaabta ugu waawayn ee Ilaahay ku barakeeyo risiqa kuna labanlaabo iyo in wixii uu bixiyey Adoonku Ilaahay badalkeeda siiyo.

Xadiiskani wuxuu ka mid yahay Axaadiista uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ilaahay ka wariyey, waxaana lagu magacaabaa Xadiis Alqudsi ama Xadiis Al-Ilaahi, waana Xadiis ereyadiisa iyo macnahooduba xaga Ilaahay ka yimaadeen, Qur'aankana la mid maaha oo laguma caabudo Ilaahay akhrintiisa, looma dahaaro qaato, taxadiga iyo icjaaska Qur'aanku leeyahayna malaha xadiisul-qudsigu.

التصنيفات

Nafaqada, Sadaqada Sunaha ah