إعدادات العرض
Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay?
Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay?
Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee waxaa u yimid nin wuxuuna ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay? saddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yiri: haa, wuxuu yiri: dambiyadaas shahaadateynka ayaa lagu dhaafay.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Kurdî Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Oromoo Wolof Tagalog Français Azərbaycan Українська bm தமிழ் Deutsch ქართული Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文الشرح
Nin ayaa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey saddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.فوائد الحديث
Aad ayey u wayn yihiin labado shahaado wayna ka culus yihiin dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qalbigiisa.
Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeeyey.
Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee danbi ah.
Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.
التصنيفات
Fadliga Towxiidka