إعدادات العرض
Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin
Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Español Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe Bosanski සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa മലയാളം తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া Shqip دری Ελληνικά Български Fulfulde Italiano ಕನ್ನಡ Кыргызча Lietuvių Malagasy or Română Kinyarwanda Српски тоҷикӣ O‘zbek नेपाली Moore Kurdî Oromoo Wolof Français Azərbaycan Tagalog Українська தமிழ் bm Deutsch ქართული Português Македонски Magyar فارسی Русский 中文 kmالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.فوائد الحديث
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.