إعدادات العرض
{waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay}
{waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay}
Subeyr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suurada takaasur:8], wuxuu yiri Subeyr: Rasuulka Ilaahayow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyaha? wuxuu yiri: "sidaas ayey noqon".
[Xadiis Xasan ah] [waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajah]
الترجمة
العربية English မြန်မာ Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands اردو Bahasa Indonesia ئۇيغۇرچە বাংলা Türkçe සිංහල हिन्दी Tiếng Việt Hausa తెలుగు Kiswahili ไทย پښتو অসমীয়া دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली മലയാളം Bosanski Italiano ಕನ್ನಡ Kurdî Oromoo Română Shqip Српски Українська Wolof Tagalog Moore Malagasy தமிழ் Azərbaycan فارسی ქართული 中文 Magyar Português Deutsch Македонски Русскийالشرح
markay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha! Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.فوائد الحديث
Waxaa la adkeeyey in Ilaahay sareeye looga mahadnaqo nicmooyinka badan.
Nicmooyinka waa la waydiin adoonka maalinta qiyaamaha ha yaraato ama ha badnaatee.