إعدادات العرض
Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo
Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.
[Xadiis Saxiix ah] [Waxa wariyay Muslim]
الترجمة
ar en my sv cs gu yo nl ur id ug bn tr si hi vi ha te sw ps as prs ky lt rw ne ml bs kn ku ro sq sr uk wo tl mos ta az fa ka zh hu pt de ru mk bm am mg omالشرح
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.فوائد الحديث
Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.