إعدادات العرض
kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane
kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee inuu yiri: "kuwa naxariista Raxmaankaa iyagana u naxariisan, u naxariista waxa dhulka ku nool waxaa idiin naxariisan Raxmaanka samada ku sugane.
[Xadiis Saxiix ah] [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed]
الترجمة
العربية বাংলা Bosanski English Español فارسی Français Bahasa Indonesia Русский Tagalog Türkçe اردو 中文 हिन्दी ئۇيغۇرچە Kurdî Hausa Português മലയാളം తెలుగు Kiswahili မြန်မာ ไทย Deutsch 日本語 پښتو Tiếng Việt অসমীয়া Shqip Svenska Čeština ગુજરાતી አማርኛ Yorùbá Nederlands සිංහල தமிழ் دری Кыргызча Lietuvių Kinyarwanda नेपाली Malagasy Italiano or ಕನ್ನಡ Oromoo Română Српски Wolof Українська Moore Azərbaycan ქართული Magyar Македонскиالشرح
Wuxuu cadeeyey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadka u naxariista dadka kale iyagana Raxmaanka ayaa naxariistiisa ugu naxariisan, naxariistaas oo cid walba gaartay, iyadoo lagu abaal marinaayo ficilkoodii. Ka dibna wuxuu amray Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- in loo naxariisto dhamaan noolayaasha ku nool dhulka, dad, xayawaan, shimbiro, iyo nuucyada kale ee Ilaahay abuuray, kuwaasna abaalkoodu waa in Ilaahay uga soo naxariisto xaga samada.فوائد الحديث
Diinta Islaamku waa Diin naxariis, waana Diin dhamaanteed ku taagan daacada Ilaahay iyo wanaajinta kuwuu Ilaahay abuuray.
Ilaahay isagaa weyne wuxuu ku tilmaaman yahay mid naxariis badan, waana Allaha naxariista guud iyo midda gaarka ahba naxariista, Adoomadiisana naxariista gaarsiiya.
Abaal marintu waa kolba siduu yahay camalka la qabto-wanaag iyo xumaanba, kuwa naxariista badan Allaha Raxmaanka ah baa u naxariista.