Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo

Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo

Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay inuu yiri: "Hadii aad maqashaan aadaanka, dhaha waxa mu'adinku dhahayo".

[Xadiis Saxiix ah.] [Xadiis la isku waafaqay]

الشرح

Nabigu wuxuu naxariis iyo nabadi korki ha ahaate ku boorinayaa Ummadda, inay ajiibaan mu'addinka markay aadaanka maqlaan, waana inaan ka daba dhahno wuxuu leeyahay, ereyba erey. markuu takbiirsado waan ka daba takbiirsanaynaa, markuu labada ashahaado dhahayo, waan ka daba dhahaynaa. Waxaa laga soo reebay ereyada (xaya cala salaat, xaya calal-falaax) oo macnohoodu yahay: u kaalaya salaadda, u kaalaya kheyrka, labadaa waxaa la dhahayaa: laa xawla walaa quwata illaa billaah.

فوائد الحديث

Mu'addinka labaadna wuu ka daba dhahayaa markuu kan hore dhameeyo, xataa haday bataan mu'adiniintu, waayo xadiisku waa caam yeelayaa.

mu'addinka wuu ka daba dhahayaa xaaladihiisa oo dhan, haduuna suuli ku jirin, ama uusan xaajo gudanayn.

التصنيفات

Aadaanka iyo Iqaamada